Cudurka macaanka, oo sidoo kale loo yaqaan Diabetes Mellitus, waa xaalad caafimaad oo dhacda marka jidhku awoodi waayo inuu si sax ah u maamulo heerka sonkorta (glucose) ee dhiigga. Cudurkani wuxuu keeni karaa dhibaatooyin caafimaad oo culus haddii aan si fiican loo maareyn. Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo cudurka macaanka ah: Nooca 1-aad iyo Nooca 2-aad.
1. Noocyada Cudurka Macaankaa)
Macaanka Nooca 1-aad
Cudurka macaanka nooca 1-aad waa cudur difaaca jidhku (immune system) burburiya unugyada soo saara insulin-ka ee ku yaalla ganaca (pancreas), taasoo keenta in jidhku uusan soo saari karin insulin ku filan. Insulin waa hormoon muhiim ah oo caawiya in sonkorta dhiigga ay gasho unugyada jidhka si ay tamar ugu noqoto. Marka insulin la'aan jidhka ku dhaco, heerka sonkorta dhiigga ayaa aad u kordha, taasoo khatar caafimaad ku ah qofka.
Macaanka Nooca 2-aad
Cudurka macaanka nooca 2-aad waxa uu dhacaa marka jidhka uu noqdo mid iska caabbiyo (resistant) insulin-ka ama uu ku yaraado soo saarista insulin. Noocani wuxuu ku badan yahay dadka waaweyn iyo kuwa cayilan, inkastoo carruurta iyo dhallinyaradu ay qaadi karaan sidoo kale. Waa nooca ugu caansan ee cudurka macaanka, waxaana badanaa lala xiriiriyaa qaab nololeedka qofka sida cunidda cuntooyinka aan caafimaad qabin, firfircoonaan la'aan, iyo cayil.
Macaanka Xilliga Uurka (Gestational Diabetes)
Macaanka xilliga uurka waa xaalad ku dhacda haweenka qaarkood inta ay uurka leeyihiin. Xaaladdan waxa ay keeni kartaa in heerka sonkorta dhiiggu uu kordho inta lagu jiro uurka, taasoo khatar ku ah caafimaadka hooyada iyo ilmaha. Caadi ahaan, macaanka xilliga uurka wuu baaba'a marka hooyadu ilmaha dhasho, laakiin haweenka qaba xaaladdan waxa ay halis ugu jiraan in macaanka nooca 2-aad uu ku dhaco mustaqbalka.
2. Calaamadaha Cudurka Macaanka
Calaamadaha ugu waaweyn ee cudurka macaanka waxaa ka mid ah:
• Harraad badan iyo inta jeer ee kaadida oo kordha: Sonkorta badan ee dhiigga ayaa sababi karta in kilyuhu ay soo saaraan kaadi badan, taasoo keenta harraad iyo kaadi fara badan.
• Daal iyo tamar la'aan: Jidhka oo aan helin sonkorta ku filan oo uu tamar u isticmaalo ayaa sababi kara daal iyo awood yaraan.
• Miisaan lumis aan la sharraxin karin: Cudurka macaanka nooca 1-aad wuxuu sababi karaa in qofku si degdeg ah u lumiyo miisaan xitaa haddii uu cunayo si caadi ah.
• Aragga oo daciifa: Sonkorta sareysa ee dhiigga waxa ay dhaawici kartaa xididdada dhiigga ee indhaha, taasoo keeni karta aragga oo daciifa.
• Boogaha oo si gaabis ah u bogsada iyo caabuqa soo noqnoqda: Heerka sarre ee sonkorta dhiiggu wuxuu yareeyaa awoodda jidhka ee bogsashada dhaawacyada iyo la dagaallanka infekshannada.
3. Sababaha iyo Halisaha Cudurka Macaankaa)
• Cudurka Macaanka Nooca 1-aad
waa nooc ka mid ah cudurka macaanka kaas oo keena in jidhku aanu soo saarin wax ku filan oo insulin ah. Insulinku waa hormoon muhiim ah oo caawiya jidhka inuu isticmaalo sokorta (glucose) dhiigga ku jidhta si loo helo tamar. Macaanka nooca 1aad waxaa badanaa lagu arkaa carruurta iyo dadka da'da yar, waxaana lagu yaqaan inuu yahay xanuun ay difaaca jidhka (immune system) ku burburiso unugyada soo saara insulinka ee ku yaal ganaca (pancreas).
• Cudurka Macaanka Nooca 2-aad
Waxaa jira dhowr arrimood oo kordhiya halista cudurka macaanka nooca 2-aad:
• Cayilka (Obesity): Cayilku waa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena macaanka nooca 2-aad.
• Nolosha Firfircoonaan La'aanta (Sedentary Lifestyle): Dadka aan si joogto ah u jimicsan waxa ay halis badan ugu jiraan inuu ku dhaco macaanka.
• Taariikh Qoys: Haddii qoyskaaga ay ku jiraan dad qaba cudurka macaanka nooca 2-aad, waxaa kordhaya halista aad adiguna ku qaadi karto.
• Da’da: Cudurka macaanka nooca 2-aad wuxuu badanaa ku dhacaa dadka waaweyn, inkasta oo carruurta cayilan uu ku dhici karo.
4. Daaweynta iyo Maareynta Cudurka Macaanka
Maareynta cudurka macaanka waxa ay ku xirantahay nooca cudurka iyo heerka uu gaarsiisan yahay, waxaana laga yaabaa in la isticmaalo habab kala duwan oo isugu jidha cunto caafimaad leh, jimicsi, iyo daawooyin.
a) Macaanka Nooca 1-aad
• Insulin: Qofka qaba macaanka nooca 1-aad wuxuu u baahan yahay inuu si joogto ah u qaato insulin si uu u maareeyo heerka sonkorta dhiigga.
• Cunto Caafimaad Leh: Qofka qaba cudurka macaanka wuxuu u baahan yahay inuu cuno cunto isku dheelli tiran oo aan kordhineyn sonkorta dhiigga.
• Jimicsiga: Jimicsiga joogtada ah wuxuu caawiyaa yareynta heerka sonkorta dhiigga.
b) Macaanka Nooca 2-aad
• Cunto iyo Jimicsi: Nooca 2-aad badanaa waa la maareyn karaa iyada oo la adeegsanayo cunto caafimaad leh iyo jimicsi joogto ah.
• Daawooyinka: Haddii cunto iyo jimicsi kaliya aysan ku filnayn, waxaa jidha daawooyin loogu talagalay in lagu caawiyo jidhka inuu isticmaalo insulin si fiican ama hoos u dhigo heerka sonkorta dhiigga.
• Insulin: Mararka qaar, dadka qaba nooca 2-aad waxa ay sidoo kale u baahan karaan inay qaataan insulin haddii heerka sonkorta dhiiggu uu aad u sarreeyo.
c) Macaanka Xilliga Uurka
Maareynta macaanka xilliga uurka waxa ay ku xirantahay cunto caafimaad leh, jimicsi, iyo, haddii loo baahdo, qaadashada insulin si loo ilaaliyo heerka sonkorta dhiigga oo caadi ah inta uurka lagu jiro.
5. Dhibaatooyinka Laga Dhaxli Karo Cudurka Macaanka
Haddii aan la maareynin si fiican, cudurka macaanka wuxuu sababi karaa dhibaatooyin caafimaad oo khatar ah, sida:
• Dhibaatooyinka Wadnaha iyo Dhiigga (Cardiovascular Disease): Macaanka wuxuu kordhiyaa halista wadna xanuunka, wadnaha oo istaaga, iyo dhiig kadh.
• Dhibaatooyinka Indhaha (Retinopathy): Sonkorta dhiigga oo sareysa muddo dheer waxa ay dhaawac u geysataa indhaha, taasoo keeni karta aragti la'aan (blindness).
• Dhibaatooyinka Kilyaha (Nephropathy): Macaanka wuxuu keeni karaa kilyaha oo joojiya shaqadooda, taas oo ku khasbi karta in qofka uu u baahdo daweyn kilyaha lagu dhaqayo (dialysis) ama kilyaha lagu beddelo.
• Lafaha iyo Lugaha (Neuropathy iyo Foot Complications): Cudurka macaanka wuxuu dhaawici karaa dareemayaasha jidhka, gaar ahaan lugaha, taasoo sababi karta dareen la’aan, dhaawacyo, iyo infekshan.
6. Ka Hortagga Cudurka Macaanka
Inkastoo cudurka macaanka nooca 1-aad aan laga hortagi karin, haddana waxaa jidha tallaabooyin la sameyn karo si looga hortago nooca 2-aad:
1. Cunto caafimaad leh
Doorashada cunto isku dheellitiran oo u badan khudaarta, miraha, iyo cuntooyinka aan cusbo badan ku jirin waxa ay yarayn kartaa halista macaanka.Iska yaree cabista cabitaannada sokorta leh iyo cunista cuntooyinka dufanka badan leh.
2. Miisaanka xakamee
Dadka miisaanka badan leh waxa ay halis u yihiin nooca 2aad ee xanuunka macaanka. Xakamaynta miisaanka iyo hoos u dhigidda miisaanka ayaa muhiim ah.
3. Jimicsi joogto ah
Jimicsiga joogtada ah sida socodka, orodka, dabaasha, iyo isboortiga kale wuxuu caawiyaa jidhka inuu si fiican u isticmaalo sokorta dhiigga iyo yareynta cayilka.Waxaa lagu taliyaa ugu yaraan 30 daqiiqo oo jimicsi maalin kasta.
4. Ka fogaanta cabitaanka sigaarka iyo qaadka
Cabitaanka sigaarka wuxuu sarre u qaadaa khatarta cudurka macaanka iyo dhibaatooyinka caafimaad ee la xiriira.
5. Hubinta caafimaadka dhiigga
Dadka u nugul macaanka waa inay si joogto ah u hubiyaan heerka sokorta dhiigga iyo cadaadiska dhiigga, si ay ugu dadaalaan in ay ku hayaan heerka caadiga ah.
6. Fiiro gaar ah u yeelo hurdo ku filan
Hurdo wanaagsan oo aad heshaa waxa ay leedahay saameyn togan oo ku saabsan heerarka sokorta dhiigga, waxaana muhiim ah in aad hesho hurdo kugu filan maalin kasta.
Tallaabooyinkani waxa ay kaalin weyn ka qaadan karaan yaraynta khatarta cudurka macaanka gaar ahaan nooca 2aad.
0 Comments